Somali News

Xasan Shiikh oo ka hadlay kulanka uu la qaatay Fahad Yaasiin

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu ka war bixiyay kulan xalay ay wada qaateen isaga iyo Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji, waxa  uuna sheegay in kulankooda uusan aheyn mid siyaasadeed .

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Fahad iyo isaga keliya ay ka wada hadleen arrimo ka baxsan siyaasadda Soomaaliya.

“Aniga iyo Fahad Yaasiin kama aanan hadlin siyaasadda dalka” ayuu ku yiri Xasan Shiikh.

Kulanka dhex-maray Xasan Shiikh iyo Fahad Yaasiin ayaa waxa uu noqday mid si weyn warbaahinta dalka ay uga hadleen,  waxa uuna kusoo beegmayaa, xilli xaaladda siyaasadda Soomaaliya ay gashay marxalad kala guur ah.