Somali News

Xasan Shiikh oo maanta loo caleema saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya

Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo gabagabowda teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, islam markaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.

Waxa uu Xasan Sheekh ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul,wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaartan.

Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna ka hadlay xafladda caleema-saarka, isagoona balanqaaday inuu la shaqeynayo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay.