Somali News

Xasan Shiikh oo sheegay in mucaaradka ay u diyaar garoobeen ka qeyb galka Doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay Tv-ga Saab ayaa sheegay in ka mucaarad ahaan ay mar hore u diyaar-garoobeen doorashada dalka ka dhacaysa 2020-2021-ka, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la qabto doorashada.

“Markii la eego mucaaradka diyaar garowgiisa, annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama aanaa shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay doorasho weyn oo qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hadii loo noqonayo tii 2016-kii, waaba ka fududahay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka dhahaya mucaaradku diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jiraan” ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay magacaabis la’aanta xukuumadda Somalia, isagoona  ka digay in arrintaasi ay dhibaato hor leh ay abuurto.

 “In la dhiso xukuumad cusub waa sax, balse wasaaradaha qaar kood oo shaqo ku leh howsha socota, dhismahooda waa in la fudeeyo, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, oo dadka xasaasiyaadkooda loo ilaalyo, amniga loo sugo, dhaqaalaha ku baxayana loo fududeyn lahaa, laakiin heshiiska doorashadu waa mid siyaasadeed oo la sharciyeeyay, isla markaana meel yaalla.” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.