Somali News

Sawirro:-Xasan Shiikh oo shir kula leh Muqdisho Madaxda Golaha Wadatashiga

Waxaa goordhow Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoon ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirka waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Shirkaan ayay madaxdu kaga wada hadli doonaan xaaladda guud ee dalka, sida mid Siyaasadeed, Abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta dalka iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dhinacyada.

Shirkaan oo maanta bilowday wajigiisa koowaad ayaa socon doona labo maalin, iyadoo kulankaan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uu la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkaan.