Uncategorized

Xawaaladihii Soomaalida Canada oo la xiray

Muqdisho-KNN-Xawaaladaha Soomaaliyeed ee dalka Canada oo horey loo xiray in badan oo kamid ahaa oo waxaa laga soo reebay labo xawaaladood oo Soomaalida dalkaas ku nool ay ka dirsan jireen lacagaha ay u dirayaan eheladooda ku nool gudaha dalka Soomaaliya iyo meelo kalaba.

Dowlada Canada ayaa markale xirtay xawaaladihii harsanay ee Soomaaliyeed ee ku yaalay dalkaasi.

Talaabadan ayaa ay Soomaalida ku nool dalkaasi Canada cabsho ka muujiyeen waxaana ay tilmaamayaan in ay tahay mid lagu  dhabar jebinayo hormarafa ay sameeyaan dadka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa uu sheegay in xawaalada lagu soo rigay xayiraada ay yihiin Xawaaladaha Soomaalida leedahay oo kaliye.