Somali News

Xayiraad la saaray garoonka diyaaraha ee magaalada Tripoli ee dalka Libya

Muqdisho-KNN-Sida laga soo xigtay masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Tripoli ee dalka Libya, waxaa gebi ahaanba maanta xaniban shaqadii laga qaban jiray garoonkaasi.

Waxaana la sheegay in dhawr gantaal oo is xig xiga ay ku soo dhaceen meel aan sidaa uga fogayn garoonka.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda Gantaalladaasi.

Waxaa xusid mudan in shalay baarlamaanka dalka Turkigu ay ansixiyeen in ciidamo la geeyo magaalada Tripoli kadib codsi ka yimid xukuumadda Libya