Somali News

Xeer ilaalinta guud ee qaranka oo racfaan ka qaadatay xukunka eedeysaneyaal la sii daayay

Xeer ilaalaha guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunkii qaar ka mid ah eedeysaneyaashii kiisaskii musuqmaasuqa ay dambiga ku weysay maxkamadda Gobolka Benaadir Khamiistii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

“Xaafiiska Xeer ilaalinta guud wuxuu si hordhaca ah u dhammeystiray habraaca racfaanqaadashadiisa, ee uu ka qaatay xukunnada” ayaa lagu yiri bayaankan.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lix sarkaal ku heshay eedo la xiriira musuqmaasuq, waxayna ku kala xukuntay xabsiyo u dhexeeya lix bilood ilaa sagaal sanno.

Maxkmadda ayaa sidoo kale sheegtay shan sarkaal oo kale in lagu waayay eedihii lagu soo oogay.