Uncategorized

Xeer ilaalinta Puntland oo digniin u jeedisay Odiyaal dhaqameed iyo Hay`ado Caalami ah

Garowe-KNN-War ka soo baxay xeer ilaalinta Puntland ayaa digniin loogu diray odiyaal dhaqameed iyo hay`ado Caalami ah kuwaas oo lagu eedeeyay in si baal marsan shrciga ay horay ugu xaliyeen kiisas la xariira Kufsiga.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maamulka Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo maanta jir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa soo bandhigay tacadiyada Kufsi ee saddexdii bilood ee ugu dambeysa ka dhacay gobolada uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay soo diiwaan galiyeen 18 kiis oo kufsi ah oo sannadkan ka dhacay guud ahaanba deegaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan lagu dhameeyay xeer dhaqameedyo aan waafaqsanayn sharuucda iyo qawaaniinta Puntland uga degsan Kufsiga.

Waxaa hadalkiisa ku jiray digniin uu ujeedinayay Odayaasha iyo nabadoonada ka tilaabsada sharuucda maamulka Puntand uga degsan tacadiyada Kufsiga islamarkaana si hoose ku dhameeya kiisaska nuucaan ah, iyadoo la dulminayo dhibbanaha lagu tacadiyay.

Xeer ilaaliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan hay’addo caalami ah oo ku shaqaysta inay abuuraan kiisas been abuur ah oo kufsiga la xiriira, si ay dhaqaale uga helaan islamarkaana magac dil ugu sameeyaan Puntland iyo shacabkeeda.

Hay’addaha nuucaas ahi waxaa xeer ilaaliyuhu uu u ujeediyay digniin adag iyo in maxkamad lasoo taagidoono cidii falkaas foosha xun lagu helo, waxaa sidoo kale uu sheegay in maxkamad lasoo taagidooni cid kasta oo iskudayda inay si hoose ku dhameyso fal dambiyeedka kufsiga