Garowe-KNN-Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa ka hadlay xariga weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman, oo ah agaasimihii hore ee Radio Daljir oo ah idaacad ka howlgasha gobolada Mudug, Bari iyo Nuugaal ee Puntland.
Weriyahaas ayaa saakay loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, labo maalin kahor markii ciidamada amnigu soo xireen.
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo maanrta ka hadlay ayaa sheegay Axmed Tallmaan in loo haysto dambiyo uu ka galay laamaha ammaanka Puntland, isagoo ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga.
Maxamuud Aw-Cismaan waxa uu sheegay in ay soo dhamaatay baaristii kiiska loo haystay Tallman, isla markaana guddiga gacanta ku haya baaritaan kiiskiisa ay codsadeen in lasoo xiro Tallman.
Maalinta Isniinta ah ayaa maxkamadda la horkeeni doonaa weriye Tallman sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu, si buu yiri loo dhegaysto cadeymaha ka dhanka ah dambiyada lagu soo eedeeyay.
Saraakiil ka socday xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, ayaa xabsiga ku booqday weriyaha si ay hubiyaan inuu weriyuhu helay xaquuqdiisa dastuuriga sida qareenno ka difaaca eedeymaha loo heysto.


