Somali News

Xeer ilaaliyaha Qaranka “40 sano jir kufsaday 5 sano jir ayaa ku xiran Muqdisho”

Muqdisho-KNN-Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ka hadlay shirweynaha haweenka ee ka furan magaalada muqdisho, islamarkaana lagu wado inuu soo xero R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khere  ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee xamar uu ku xeranyahay nin 40 sano jir ah oo kufsi uu geystay gabar 5 sano jir ah.

Kiiskaan ayuu ku sheegay in dhib weyn ay ku qabaan, bacdamaa ay daba socdaan ehelada gabadhooda la kufsaday oo dalbanaya in la sii daayo ninka gabadha yar kufsaday.

Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa Axmed  Cali Daahir in ehelada gabadhooda yar la kufsaday ay ku doodayaan in si hoose loo xaliyay kiiskan hadda horyaalla xeer ilaalinta, isagoona sheegay in ay codsadeen in la fasaxo ninka dhibka geystay ee afartanka sano jirka ah.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed  Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho dukaamada qaar ee ku yaalla lagu iibiyo waxyaabo maanka dooriya, kuwaasi oo ka lifaya marka dambe in la isku galmoodo sidii doontaba haku timaadee.

Waxyaabahaasi maanka dooriyo ayuu ku micneeyay inay wada isticmaalaan ragga iyo dumarka intooda badan, Balse aanan jirin qof kaliya ee isticmaala.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo kordhay kufsiga loo geystay gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoona arintan ay walaac ka muujiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.