Somali News

Xeer ilaaliyaha qaranka oo hay’adaha garsoorka tababar uga furay Garoowe

Garowe-KNN-Xeer ilaalinta guud ee qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu furay Hay’adaha  garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, iyadoo la fahansiinayay hab cusub oo ay dowladda federalku u bixindoonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.