Somali News

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Sheegay in Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo kiiska Bada.

Muqdisho-KNN-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo  hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay iskaga baxdo kiiska dacwadda ee ay Ku sheeganeyso lahaanshiyaha qayb ka mid ah Badda  Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka gali doonin bada, islamarkaana ay ku qanacsan tahay go’aanka ay ka gaarto maxkamada Aduunka ee ICJ.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 9 bishan uu furmi doono kiiska dacwada bada ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika oo shir ku yeeshay Addis Ababa, ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda ku saabsan Badda ay isku hayaan Soomaaliya, ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca.

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay inay ku gacan seyrtay dalabka Kenya ee muddo kordhinta ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.

Khilaaf dhinaca diblomaasiyadda ah oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore cirka isku shareeray, wuxuuna salka ku hayay muranka badda.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in dhageysiga kiiskan uu billaaban doono 9-ka bishan September oo ku aaddan Isniinta soo socota.