Somali News

Xeerka warbaahinta Soomaaliya oo maanta la dhaqan geliyay

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad lagu daahfurayay dhaqan gelinta xeerka warbaahinta iyo furitaanka xarunta xiriirka dawlada, taas oo noqon doonta mid isku xirta xarumaha warbaahinta dawlada iyo kuwa madaxa bannaan.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay sii hayaha xilka raysal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, qaar ka tirsan xildhibaannada Labada Aqal, maamullada warbaahinta madaxa bannaan, sii hayaha wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale.

Xeerka Saxaafadda Soomaaliya ayaa waxaa horay u saxiixay madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana maanta wixii laga bilaabo uu yahay mid dhaqan gal ah.

 Mahdi Guuleed Khadar sii hayaha xilka raysal wasaaraha dalka ayaa munaasabadda ka sheegay in weriyaasha Soomaaliyeed aysan jiri karin sabab  dacwad ciqaabeed loogu soo oogo, isla markaana dacwadaha Saxaafaddu noqon doono mid madani ah.

Qodobbo dhowr ah oo ku jira xeerkan warbaahinta ee dhaqan galkiisu bilowday, ayaa waaa cabasho ka keenay warbaahinta madaxa bannaan, waxaana ka mid ah, diiwaangelinta warbaahinta iyo dhismaha golaha saxaafadda, waxaana ay taasi u balan qaadday dawlada in dib looga wada shaqayn doono , wax ka badalkiisa .