Somali News

Xeraale oo daggan iyo Khasaaraha oo kordhay

Xeraale-KNN-Wararka saakay ka imaanayo degaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in saakay iyo xalay ay xaaladdu dagantahay kadib dagaal culus oo shalay iyo habeen hore ka dhacay degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helay degaanka ayaa KNN u sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo socda balse ay wali is hor-fadhiyaan dhinacyadii shalay ku dagaalamay degaanka, waxaana jira cabsi laga qabo in uu halkaasi mar kale ka dhaco dagaal daba jooga kii habeen hore.

Ciidamada soo weeraray degaanka ayaa dib ugu laabtay halkii ay ka soo weerar tagayn waxaana la sheegay in xalay dib loogu celiyay Ciidamo dagaalka looga qabsaday kuwaas oo isku xiray Guri ku yaala degaanka Xeraale.

Odayaasha degaanka Xeraale ayaa sheegay in dhalinyarada dagaalka lagu qabtay ay ahaayeen Maleeshiyo la soo qalday ayna sheegayn in aysan weerar dambe ku soo qaadi doonin Xeraale sidaasna lagu cafiyay sida ay hadalka u dhigayn.

Goob Joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Xeraale waxaana uu qaatay saacado badan iyadoo lagu dagaalamay Gudaha magaalada iyo duleedkeeda.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan 60 qof-na dhaawacyo ayaa ka so gaaray kuwaas oo la dhigay Isbitaalada Guricayl iyo Caabudwaaq.

Ma jirto wax dadaal ah oo ka socda Gobalka taas oo ku aadan dejinta xiisadda degaanka ka taagan balse taas badalkeeda waxaa socda abaabulka dagaal kale oo ka dhaca Xeraal.

Odayaal, Siyaasiin iyo Mas’uuliyiinta DF-ka Soomaaliya ayaa ku baaqaya in colaadda la joojiyo islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalkaan ka dhacay Xeraale ayaa daba jooga, dagaalkaan ka dhacay Xeraale ayaa daba jooga dagaalkii bishii June ee sanadkii 2017 ka dhacay degaankaasi walina ma jirto xal laga gaaray dagaalka soo laa-laabtay ee degaanka Xeraale.