Somali News

Xidhibaanada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay R/wasaare Xamse.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay  R/Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu magacaabay madaxweynaha JFS 15-kii bishan Juun.

Kulanka Xildhibaanada oo maanta ajandihiisu ahaa ansixinta Raisul Wasaaraha ayaa dhamaan 220-Xildhibaan oo ka qeyb galay kulanka waxa ay u codeeyeen Raisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo helay cod aqlabiyad leh.

Ansixinta R/wasaare Xamse kadib ayaa  waxaa kulankii Golaha lagu dhaariyay Raisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.