Sports

Xidigo ka tirsan Kooxdda Barcelona oo ciyaaryahan Griezmann kula xiriiray aalada WhatsApp ‘

Muqdisho-KNN-Qaar katirsan Ciyaartoyda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir lasameenayaan Antoine Griezmann iyagoo farriin ugu diraya aalada WhatsApp ka si ay uga dhaadhiciyaan inuu ku biiro Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inuu weli wadahadalo kula jiro kooxriisa Atletico kaaas oo ku aadan mustaqbalkiisa, iyadoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Camp Nou.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Isbaanishka, xiddigo dhowr ah oo Barca ah ayaa xiriir lasameyay ciyaaryahan Griezmann iyagoo lawadaagaya adeegga isgaadhsiinta.

Saddex ciyaaryahan ee isku wadanka ay yihiin oo kala ah Lucas Digne, Samuel Umtiti iyo Ousmane Dembele ayaa la sheegay inay mas’uul ka yihiin, inay diraan farriimo u qornaa “Come to Barca!””Imow Barca”

Griezmann, oo qandaraaska uu kula joogo kooxda caasimadda Madrid kaa oo ku eg ilaa 2022, ayaa dhaliyay goolkii barbaraha oo ay  1-1 kula soo galeen  Arsenal habeenkii khamiista lugta 1aad Simi finalha Europ League.

Qalinkii:Aadam Aqyaar