Uncategorized

Xiisad Colaadeed oo ka taagan deegaanka Mooyaale

Mooyaale-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Mooyaale ee dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, laakiin ay maamusha dowlada Itoobiya.

Dagaalka iyo xiisada taagan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Qoomiyadda Booranta iyo Soomaali halkaas degta.

Wararka ka imaanaaya deegaankaas ayaa sheega in khasaaro xoog leh uu ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaankaasi, inkastoo khasaaraha aan si rasmi ah aan loo ogeyn, waxaa wali jira dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay wadaan dhinacyadaas dagaalamay.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dagan deegaankaas ayaa la sheegay in ay bilaabeyn in ay ka qaxaan deegaankaasi iyagoona u qaxay dhanka dalka Kenya.

Dagaaladaan ayaa ah kuwoo muddo soo jiitamayay waxayna umuuqataa in aysan wax xal ah laga gaarin xiisadaan colaadeed ee soo laa laabatay.

Xiisadaan u dhaxeysa Qabaa`iladaan ayaa salka ku haysa arimo la xiriira maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo.