Uncategorized

Xiisad Colaadeed oo ka taagan gobolka Galgaduud

Dhuusa-mareeb-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaan Olol la yiraahdo oo qiyaastii dhowr iyo 30 Km u jira magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolkaasi ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya Dul Daaqsimeed, sida wararka soo baxa ay tilmaamayaan.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa geeriyootay 5 kalane dhaawac ayaa soo gaaray oo ah dhinacyadii dagaalamay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in cabsi xoogan ay qabaan kadib dhaq dhaqaaq iyo hub aruursi ay sameynayaan dhinacyadaan dagaalamay.