Somali News

Xiisad colaadeed oo saaka ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool

Garoowe-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa saaka sheegaya in halkaa laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo muddo dhowr jeer ah ku dagaalamay deegaankaasi .

Xiisaddan ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid culus, kadib markii ciidamada Puntland ay ilaa saaka aroortii isku fidiyeen deegaanno dhowr ah.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay arkeen ciidamada Puntland oo saaka ku sii qulqulaya waqooyiga iyo koonfurta Tukaraq oo ay ka samaysteen fariisimo aysan horay ugu lahayn, taasi oo cabsi ku beertay Shacabka ku nool deegaanada gobalka Sool.

Muddooyinkii ugu dambeeyey Waxaa sii xoogeysanayay Xiisadaha ka dhex aloosan dhinacyada Puntland iyo Soomaaliland ,waxaana fashilmay wada hadaladii labada dhinac ay ka dhex wadeen Beesha Caalamka, gaar ahaan  IGAD iyo Qaramada Midoobe.