Somali News

Xiisad colaadeed oo saaka ka taagan Tukaraq

Garoowe-KNN-Xiisad colaadeed ayaa saaka waxaa laga dareemayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada Puntland ayaa waxaa  la sheegayaa in deegaanadaa ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen, taa oo sababtay xiisadda saaka halkaa ka taagan.

Xiisaddan ayaa imaaneysa iyada oo maalinimadii shalay aheyd, guddiga difaaca Puntland ay sheegeen in dagaal uu ka dhici doono, deegaanka Tukuraq, nabadna aysan jiri doonin inta gobollada Sool iyo Sanaag ay Somaliland ku sugantahay.