Somali News

Xiisad colaadeed oo saakay ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Gaalkacyo-KNN-Deegaan hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa saakay waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo wada dega halkaas.

Wararka aan saakay ka heleyno deegaano hoos taga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ka taagantahay xiisad colaadeed ka dib markii la dilay mid ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ee halkaasi ku nool.

Maleeshiyaad kala taabacsan labada beelood ayaa la sheegay in uu dagaal kooban ku dhexmaray deegaankaas wallow aan wali la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno deegaanadaas ayaa waxa ay sheegayaan in odayaasha dhaqanka labada dhinac ay wadaan dadaalo lagu kala dhex galayo labada maleeshiyo beeleed oo laga cansi qabo in ay dagaalamaan.