Somali News

Xiisad colaadeed oo saakay ka taagan gobolka Sanaag

Boosaaso-KNN-Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa mar kale ka aloosan gobolka Sanaag kadib markii shalay Ciidamada Somaliland ay weerar kedis ah ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayey wasiirka Waxbarashada Puntland oo marayay deegaan lagu magacaabo Damalla Xagarre.

Ciidamo Puntland ayaa xalay ka baxay Gobolka Bari, kuwaas oo saakay gaaray degaanka Damalla Xagarre ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay shalay ku dagaallameen labada dhinac.

Dhanka Somaliland Sidoo kale la sheegayaa in ay xalay soo rartay cutubyo ka tirsan ciidankeeda oo fadhiyay degaanka Dararweyne oo qiyaastii 60km galbeed kaga beegan Damalla Xagarre, kuwaas oo saakay soo buux dhaafiyay halkii shalay lagu dagaalamay.

Xaaladda gobolka Sanaag ayaa saakay ku waaberiisatay jawi colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in uu halkaasi ka qarxo dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo galainkii danbe ee shalay isku fara saaray deegaano ka tirsan gobolkaas.