Somali News

Xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidanka dowladda iyo ciidan ka amar qaata Saadaq Joon oo saacadihii la soo dhaafay ka taagan Muqdisho

Xiisad colaadeed oo u dhaxeysay ciidamada dowlada iyo  kuwa uu horkacayo  Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa ka taagneed xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho 

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ayaa ka jiray xaafada Shiirkoole ee  degmada Deyniile, kadib markii halkaas uu xarun deegaan ay ka sameysteen ciidamada uu hogaaminayo saadaq joon

Ciidamo u badan haramcad ayaa lagu arkayey isgosyada laga galo xaafda Shiirklo halka dhanka kale ay soo gaareen  ciidamo badan oo gurmad u ahaa waxaana saacdo badan is horfadhiyey labada ciidan taas ayaana sababtay in baqdin xoogan ay ku abuurto shacabka dagan xaafadahaas.

Intaas kadib Waxaa bilowday waa-waan  uu qeyb ka ahaa madaxweynha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qooor iyo madax kale si looga baaqsado in dagaalo uu dhaco

Gudoomiye ku xigeenka amniga siyaasada gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere Cali yare ayaa sheegay in xiligaan wax dhibaato ah aysan ka jirin Muqdisho isagoona tilmaamay in isfaham laga gaaray isfaham waagii taagnaa.