Uncategorized

Xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Tukaraq-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegaya in maanta deegaankaas uu ka jiro dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan dhinacyadii halkaasi isku haayay.

Warar ay heleyso KNN ayaa tilmaamaya in Ciidamada soomaaliland ee ku sugan deegaankaas Tukaraq ay saakay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ka duwan midkii shalay ka jiray deegaankaasi.

Dhanka ciidamada Puntland marka la eego Waxaa jira ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ku sii jeeda Deegaankaasi, inkastoo xaalada ay dagan tahay saaki hadana Waxaa jira cabsi soo wajaheysa dadka deegaanka oo ka baqanaya dagaalka markale halakas ka qarxa.

Madaxweynha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xiisadaan u dhaxeysa Puntlan iyo Soomaaliland ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.