Jowhar-KNN-Maamulka Hirshabeelle ayaa waddo dajinta Xiisad dagaal oo markale dib ugu soo cusboonaatay deegaanada Dayma-same iyo Maan-dheere oo kawada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Deegaanadaas ayaa shalay waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed oo deegaanadaas wada daga, kuwaas oo isku haysta dhul beereed sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Dagaal shalay halkaas ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday mid kamid ah maleeshiyaadkii dagaalamay.
Dadka daga deegaanadaas oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay ka baqdin qabaan in markale lagu dul dagaalamo.
Xaalada deegaanada Dayma-same iyo Maan-dheere oo kawada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta dagan xili shalay halkaasi ay ku dagaalameen maleeshiyo u abaabulan qaab qabeeleed, waxaana hadda soconaayo waan waan lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaasi.