Somali News

Xiisad dagaal oo saakay ka taagan Xerada Qaxootiga ee Kakuma.

Nairobi-KNN-Waxaa lagu soo waramayaa in xiisad u dhexeysa Soomaalida iyo qowmiyado kale oo ka tirsan kuwa Kenya ay saakay ka taagan tahay xerada Qaxootiga ee Kakuma.

Lama oga ila hadda waxa dhaliyay xiisadda iyo sida ay ku bilaabatay , waxaase warar horhac ah ay sheegayaan in dagaal dhex maray labda dhinac ay jiraan dhimasho iyo dhaawac .

Isgaarsiinta oo aad u xun awgeed lama heli karo  faahfaahino dheeraad ah oo arintaasi ku aadan.

Wixii  ku soo kordha la soco.