Uncategorized

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba malayshiyo beeleed oo ka taagan Hiiraan

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay socoto waan waan lagu qaboojinayo dagaal beeleed maalmihii dambe ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga gobolkaasi.

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay in ku dhow 10 kalana wey ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal laba malayshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Kubure oo hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa badankooda ahaa dhinacyadii dagaallamayay iyadoo xiisadana ay ka bilaabantay dil aano qabiil la xariira oo degaankaas ka dhacay.

Dagaallada degaanka ayaa la sheegay inay dib usoo cusboonaadaan xilliyada abaaraha iyo marka uu roob ka curto, oo qeyb deegaanka ka mid ah oo dadka reer miyaga xoolahooda ula guuraan.

Xiisada dagaal ayaa wali ka taagan deegaanka Kubure oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalamayaan laba malayshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobal Hiiraan ayaa ku baaqay xabbad joojin iyo in laga wada hadlo wax yaabaha xiisaddan abuuray.