Uncategorized

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Soomaalida iyo Oramada oo ka taagan deegaanka Mooyaale

Mooyaale-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Mooyaale ee ku yaala sooh-dinta u dhaxeysa wadamada Soomaaliya, Ehtiopia iyo Kenya aya waxay sheegayaan in halkaasi ay ka tagantahay cabsi laga qabo dagaal dhex mara Soomaalida iyo qowmiyada Oromo ee halkaas wada daga.

Cabsida dagaal ayaa salka ku heysa kadib marki sida la sheegay qowmiyada Oromada saacidihi la dhaafay ay dileen dhowr qof oo Soomaali ah sido kalene hanjabaad labada dhinac hawada isku marinayeen.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa qarax ka dhacay goob laga raaco gaadiidka oo ku taala deegaanka Mooyaale gaar ahaan meel ay u badanyihiin Qowmiyada Oromada waxaana ku dhintay sadex qof , iyadoo ay dhaawacmeen in kabadan 50 qof oo kale.

Waxaana qaraaxsi maamulka deegaanka Mooyaale ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan Soomaalida dalkaas dagta.

Dhawaan ayaa waxaa kulan wada qaatay madaxweynayaaha ismaamulada Soomaalida iyo mas`uuliyiinta Qowmiyada Oromada kuwaas oo kawada hadlay dagaalada soo noq noqday ee dhex mara Soomaalida iyo Oromada sidii xal waara looga gaari lahaa.