Beledweyne-KNN-Magaalada Beledweyne ee xunta gobolka Hiiraan waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay Askari ka tirsanaay Booliiska magaaladaas oo shalay galinkii hore uu dilay Askari kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya.
Isusocodka magaalada ayaa hakad galay wixii ka dambeeyey dilka Askarigaas, kaddib markii ay halkaas ka dhalatay xiisad beeleed oo salka ku heysa Askarigii Booliiska ahaay ee la dilay.
Nabadoon Cabdiwahaab Axmed Duqow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in aan wali la’aasin meydka Askarigii shalay lagu dilay Beledweyne isla markaana ay magaalada ka taagantahay xiisaddii ka dhalatay dilkii Askariga, Dowladda dhexe iyo maamulka Hir-Shabeelle ayuu ka dalbaday in lasoo qabto Askarigii dilka geystay marxuumka, oo uu sheegay in uu ka tirsanyahay Ciidanka xoogga dalka.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Nabadoonku uu siiyey KNN: