Beledweyne-KNN-Waxaa maalintii labaad Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Waare uu ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan, iyadoona halkaasi ay xiisad ka aloosan tahay.
Xiisadan ka taagan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii shalay uu magaaladaasi ka dhacay Banaaan bax loogu soo horjeedo Madaxweyne Waare, islamarkaana lagu taageerayo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne ayaa wali laga dareemayaa xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa ku guul dareestay in magaalada gudaha u galo, waxa uuna Waare kulamo kawadaa deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka Baladweyne.
Jahwareer ayaa ka taagan magaalada Beledweyne, iyadoona xiisada ka jirta Magaaladaasi uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadweynaha iyo Gaadiidka, sidoo kale waxaa uu sameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ee Magaaladaasi.