Uncategorized

Xiisad ka taagan Laascaanood.

Laascaanood-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa soo sheegaya in saakay ay xiisad dagaal ka taagan gudaha iyo duleedka magaalada.

Xiisadaan dagaal ayaa daba joogta dil xalay ka dhacay magaalada kaas oo loo geestay ganacsade caan ka ah gobalka.

Maleeshiyo uu ka soo jeedo marxuumka la dilay ee Maxamed Cabdi Timir ayaa la sheegay in ay dhaq dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan magaalada taas oo walaac ku beertay dadka deegaanka.

Dilka iyo xiisadda magaalada ayaa salka ku heysa dagaal beeleed iyo aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gobalka Sool.