Somali News

Xiisad ka taagan Magaalada Qabri Daharre

Qabri-Daharre-KNN-Wararka horleh oo kasoo baxaya Kililka Shanaad ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka Xaalad kacsanaana laga dareemayo Magaalada Qabri daharre oo kamid Magaalooyinkan deegaankaa ugu muhiimsan.

Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii Ciidamada Milatariga Federaaalka Itoobiya ay saaka kasoo ruuqaansadeen xeryihii ey ka daganaayeen duleedka Qabri daharre.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa In ay isku dayeen in ay la wareegaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada ku yaalla.

Dadka rayidka ah ayaa ishor istaag ku sameeyay Milatariga doonayay in Xarumaha Magaalada qabsadaan, waxaana dadka rayidka ah ay Askarta ku tuurayaan dhagxaan, walisa lama soo warin in ciidanku ay dhibaato ugeesteen dadka rayidka ah.

Magaalada ayaa xilligan waxaa ka taagan xaalad u eg tii Shalay ka dhacay Jigjiga inkasta oo xaalka ku daganyahay sida tii shalay ka dhacday.