Somali News

Xiisad ka taagan Sudan oo ay lix qof ku dhinteen

Dhaqaatiirta dalka Suudaan ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen 20 kalena ay ku dhaawacmen dagaal beelo ku dhex maray magaalo-dekadeedka Suakin, ee gobolka Badda Cas ee dalka Suudaan. Xiisadda ayaa ka dhalatay kaddib markii xilka laga qaaday barasaabkii gobolka bariga Kassala, Saleh Ammar.

Dadka ku nool agagaarka Dekadda Suudaan ayaa la sheegay inay noloshu ku adkaatay, iyadoo suuqyadii, dekadihii iyo waddooyinkiiba ay xiran yihiin.

Dibadbaxyo ayaa mar kale ka bilowday Kassala kaddib markii Ra`iisal Wasaare Abdallah Hamdok uu 13-kii bishan xilka ka qaaday Ammar, iyadoo ay jireen warar sheegaya inuu ku guul darreystay soo afjaridda bannaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo.

Maamulka gobolka ayaa Bandow ku soo rogay Suakin iyo Dekadda Suudaan kaddib markii ay dibadbaxayaashu xireen waddooyin muhiim ah.