Uncategorized

Xiisad ka taagan Xaafado ka mid ah Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Baraawe-KNN-Wararka naga soo gaarayo degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab kadib dhaq dhaqaaq ay halkaas ka sameyn Ciidanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay qabsadeyn Tuulo ka mid ah Degmadaasi balse ay socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay halkaas ka wadaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo doonaya in ay qabsadaan Tuulooyinka ay Al-Shababa maamulaan ee Baraawe.