Somali News

Xiisad saakay ka taagan Duleedka Magaalada Kismaayo

Kismaayo-KNN-Waxaa saakay xiisad ka dhalatay ganacsade caan ahaa oo la dilay ay ka taagan tahay duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose.

Goobta lagu dilay Ganacsaaha ayaa  waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleedyo isku heystay dhul halkaasi  ku yaalla.

Dadka degaanka ayaa KNN u Sheegay in Nin la dilay  uu kamid ahaa Ganacsatada shaqeeya Dhuxusha Magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo Hada lama oga Sababtay ka dambeysay in ay ganacsadahan lagu dilo duleedka Magaalada kismaayo ee gobalka Jubada Hoose,iyadoo ay xusid mudan tahay in degaano ka tirsan gobalka jubada hoose ay dhawaan ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed,Waxaa ayna taasi sababtay in dad badan ay ku dhintaan dagaalka,islamarkaana kuwa kalana ay ku dhaawacmaan.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland weli kama hadlin ganacsadahan lagu dilay duleedka Magaalada kismaayo.