Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagan cabsi laga qabo in dagaal uu dhaxmaro Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxow, iyo Ciidamada amniga Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan odayaal dhaqan ayaa la sheegay in arintaan ay ku guda jiraan xalinteeda balse ilaa hada aysan natiijo ka soo bixin.
Nabadoon Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed oo katirsan odayaal dhaqan oo Senator Muuse Suudi kala hadlay xiisada taagan, ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu keensaday Senatorka lagana cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Nabadoon Cabduqaadir Maxamuud Maxamed ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya in aysan ku deg degin weerar lagu qaado guriga Muuse Suudi Yalaxow halka uu Xildhibaankana ka dalbaday in uu joojiyo dhaq dhaqaaqa ciidan ee laga dareemayo Xaafado badan oo katirsan degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.