Somali News

Xiisad u dhexeysa Soomalida iyo Canfarta oo ka taagan ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya ismaamulka soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen dagaal u dhexeeya soomaalida iyo qowmiyadda cafarta.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii qowmiyadda cafartu la sheegay in ay ku soo xad gudbeen xadka dhul ay soomaalidu lahaayeen, kaasi oo isku badalay dagaal la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan.

Goobjoogayal ayaa sheegay in dagaalku ka dhashay dhimasho iyo dhawaac soo gaaray qowmiyadda cafarta inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, halka soomaalidana la sheegay inay kaga dhaawacmeen afar ruux.

Waxaa wali kacsan xaallada goobtii lagu dagaalamay, iyadoo ay is ku horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay ee labada dhinac .