Muqdisho-KNN-Dowladda Hindiya ayaa dhigeeda Shiinaha uga digtay in ay xadgudub ku sameeso dooxada Galwan oo ah goobta ay labada wadan isku haystaan.
Xiisada labada dal ka dhax aloosan ayaa waxa ay sara u sii kacday kadib markii uu dhax maray dagaal uu qasaaro xoogan ka dhashay.
20 kamid ah ciidamada Hindiya ayaa weerarkaasi lagu dilay habeen’nimadii Isniinta, waxa uuna ahaa weerarkii ugu xumaa ee dhax mara labada dal mudo 45 sano ah.
Wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Hindiya ayaa sheegay in labada dhinaca ay isku afgarteen in xiisada ladijiyo.
Warbaahinta qaar ayaana warineesa in maanta oo Khamiis ah laguwado in ay labada dhinac yeeshaan kulan ay kagawada hadlayaan weerarkii ugu danbeeyay ee dhax maray.