Somali News

Xiisadda Ganacsi ee u dhaxaysa Japan iyo K/Koonfureed oo Cirka isku sii shareereysa.

Muqdisho-KNN-Waxaa hoos u dhac wayn laga dareemayaa gawaarida dalka Japan ee loo iibgeeyo gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed kaddib markii bishii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay xiriirka ganacsi ee labada dal.

Xog uruurin ayaa muujisay in gawaaridii ay iibin jirtay shirkadda gawaarida ee Toyota uu ku yimid hoos u dhac gaaraya boqolkiiba 32% halka shirka Honda ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%.

Kuuriyada Koonfureed ayaa xayiraad ku soo rogtay badeecada laga keeno dalka Japan kadib markii bishii July ay Tokyo qaaday talaabooyin caro galiyay Kuuriyada Koonfureed.

Xiisada ayaa sara u sii kacday todobaadkii aynu kasoo gudubnay markaas oo Japan sheegtay in Kuuriyada Koonfureed ay kasaarayso liiska wadamada ay kala dhaxayso kalsoonida ganacsi.

Isniintiina dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay qorsheenayso in ay samayso maal galin gaaraysa $6.5 bilyan si ay u hor mariso wax soo saarkeeda. Maalgalintan ayay Kuuriyada Koonfureed uga gon leedahay sidii ay u kabi lahayd badeecadaha  ay kasoo iibsadaan dalka Japan