Somali News

Xiisadda u dhaxeeyso dalalka Rwanda iyo DRC Kongo oo cirka isku sii shareereyso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Felix Tshisekedi, ayaa sheegay “in aanu shaki ku jirin” in Rwanda ay taageerto fallaagada M23 ee ka dagalanta bariga DRC Kongo oo ay ku barakaceen tobanaan kun oo qof.

Rwanda ayaa si joogta ah u beenisay eedeymaha ah inay taageerto fallaagadaasi.

Maalintii isniinta, waxaa deegaanka Rutshuru ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23.

Afhayeen u hadlay M23 ayaa sheegay in ciidanka Kongo ay aroornimadii hore ee saaka bilaabeen in ay duqeeyaan fariisimaha ay ku leeyihiin deegaanka Jomba.

Sheegashada hogaamiyaha Kongo ee faragelinta Rwanda ayaa ah tii ugu horeysay ee uu sameeyo muddooyinkan dambe iyadoo ay weli cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa dalalkan deriska ah.

Xafiiskiisa madaxweynaha Angola João Lourenço ayaa todobaadkii hore sheegay in ay qabanqaabinaya shir madaxeed u dhexeeya madaxweyne Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame si loo qaboojiyo xiisadda.