Somali News

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran oo gaartay heerkii ugu sareysay

Muqdisho-KNN-Waxaa  markale dibad baxyaal careysani ay dab qabad siyeen, Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Baqdaad, dhanka kale waxaa sii kordhya xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa  Tehran iyo Washington waxaana jirtey in labada dal ay eedeymo culus ay is dhaaf saneyeen.

Waxaa muuqata, in Iran ay kaga aargoosaneyso Mareykanka duqeymihii, lagu diley saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxo ay Iran taageerto , oo fadhigoodu uu yahsy Suuriya iyo Ciraaq.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in duqeynta Mareykanka ay saameyn ku yeelatey, xiriirka dowladda Ciraaq iyo Mareykanka.