Somali News

Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Gariiga oo cirka isku shareertay

Xukuumadda Gariiga ayaa ugu baaqday Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka soo ambabaxay dekad ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka Gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in ay xiisada uga sii darto.

Markii xukuumadda Turkiga ay bishii July ku dhawaaqday in Markab baaritaan shidaal sameeya ay u direeso jasiiradda Kastellorizo, ayaa waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo imika haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub.

Balse imika markii uu markabka Turkiga oo ay weheliyaan 5 markab oo kale ay halkaasi gaareen ayaa waxaa mar kale soo cusboonaaday muranka.