Uncategorized

Xildhibaan Aadan oo xalay ku geeriyooday Jowhar oo maanta lagu aasay Caasimadda Hirshabeelle.

Jowhar-KNN-Madaxweyaha KMG ah ee maamulka Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka qeyb galay Aas loo sameeyay  Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Aadan Macalin Cali oo kamid ahaa Xildhibaanada Hirshabeelle.

Marxuumka ayaa geeriyooday xalay fiidkii ka dib markuu wadnaha istaagay, Waxaana Ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid Waxay allaah uga baryeen Inuu naxariistiisa janno siiyo marxuumka oo ahaa shaqsi jecel hormarka Bulshada.

Xildhibaanka da’diisa waxay aheyd 55-sano jir, wuxuuna hore u soo noqday guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoona ka mid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Hiiraan.