Somali News

Xildhibaan Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacab ayaa waxaa ku guulaystay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 146 cod halka Mahad Cabdalla Cawad uu helay 95 cod.

Labad guddoomiye ee la doortay ayaa lagu dhaariyey isla goobta.

Sidaas waxaa ku soo idlaaday doorashadii guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeenka oo xalay iyo caawa lagu kala doortay teendhada Afisyoni.