Somali News

Xildhibaan Cabbdullaahi oo ka tanaasulay Xisbiga Xasan Sheekh.

Muqdisho-KNN-C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimada Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda ee loosoo gaabiyo UPD kaasi oo hogaamiye ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar soo noqday madaxweynaha soomaaliya.

Qoraal gaaban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay:-

Waxaan cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinnimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku xusi karin, waxaana u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan u soo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah.

Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan”ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda ee UPD ayaa dhowaan lagu sameeyay gudaha magaalada muqdisho iyagoona kolkaasi ay ku midoobeen xisbiyo kala duwan iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabkla ee baarlamaanka soomaaliya.

C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ahaa Xoghayihii Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya isagoona qoraal usoo saaray facebookiisa maalmo ka hor uu ku sheegay inuu iska casilay xubinimada guddiga maaliyadda ee golaha shacabka kaddib markii wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh cabdiraxmaan uu kaga saaray Guddiga isaga iyo labada xildhibaan ee kala ah cali cabdi cismaan iyo Maxamed aadan macalim.

 ka horsidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeday Xukuumadda, isagoo hoggaaminayay Warbixintii Guddigii Maaliyadda ee la xiriirtay musuq maasuq inay maqan tahay lacag dhan 42 Milyan oo Doolar.