Uncategorized

Xildhibaan Ciyow” Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Sharci maahan walina Baarlamaanka Cod kama helin”

Cadaado-KNN-Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug sidoo kalane ay Gudoomiyaha KMG ah u doorteen Xildhibaanadii Sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye kaga hadlay warqad ka soo baxday Xafiisak Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug.

Xildhibaan Ciyow ayaa sheegay in Gudoomiye Maxkamad Sare oo sharci ah aysan qabin Galmudug balse uu jiro shaqsi uu magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed kaas oo aan wali Baarlamaanka la hor geynin.

“Galmudug ma qabto gudoomiye Maxkamad Sare oo sharci ah mana jiro cid aan cod siinay warqada la soo saaray waa Ruwaayad kale, Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxda loo yeeray waxay leeyihiin Xasaanad mana jirto sharci cadeynayo in loo yeero qof Xasaanad haayo oo aan danbi cad lagu heyn” ayuu yiri xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow ayaa sheegay in wali deegaanada Maamulka Galmudug ay ka jirto ku xad gudbidda Dastuurka iyo Xeerka Galmudug isagoo eedeen kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle.

“Xaaf wali waxa uu ku xad gudbayaa Dastuurka iyo Xeerka Galmudug, sidoo kale waxa uu deegaanka ka wadaa hanjabaad iyo Caburin siyaasadeed walina waxaa u xeran Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku xigeenka 2aad iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dowladda iyo Beesha Calamka in ay arintaan soo fara-giliyaan” ayuu yiri Xildhibaan Ciyow.

Xaaladda Galmudug ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ka sii dareyso waxaana ka soo baxaya warqado is bar bar socda kuwaas oo ka soo kala baxaya Labada dhinac ee Galmudug.