Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka golaha shacabka waxaa ay ka hor sheegtay in garoonka diyaaradaha Muqdisho looga hor istaagay safar ay ku tagi lahayd gobolka Gedo.
Waxaa ay sheegtay xildhibaan Dalays in is hortaag ay ku sameeyay hay’ada nabad Sugidda Qaranka (NISA).
Sidoo kale Xildhibaan Dalays ayaa waxaa ku baaqday in guddoonka golaha shacabka arintaasi ay wax ka qabtaan.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ajandaha kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya lagu daray, si looga dooday dhibaatada ay la kulantay xildhibaan Dalays.


