Uncategorized

Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in la Joojiyo Colaada ka taagan gobalka Sool.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha barlamaanka soomaaliya oo lahadlay KNN ayaa maamulada Puntlan iyo Soomaaliland ka dalbaday inay inay joojiyaan abaabulka dagaal ee ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamuladaasi.

Labada dhinac ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu duulaan soo qaaday, ayadoona deegaankaas isla markaana mas`uuliyadeedana uu qadayo.

Xildhibaanka ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay Qeyb ka qaataan Xasilinta Colaada ka Soo Cusboonaatay Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa dhawaan Waxaa ku dagaalamay Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland,maadaama Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay Weerar kula wareegeen Degaankaasi.