Uncategorized

Xildhibaan Dalxa”Amniga Muqdisho wuxuu ku xeran yahay Gobolada Shabeelooyinka oo amaankooda la xaqiijiyo”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo KNN la hadlay ayaa sheegay in amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo la sugo ay ku xeran tahay in marka hore la xaqiijiyo amniga Gobolada Shabeelooyinka oo ah halka laga soo galo Magaalada muqdisho.

Xildhibaan Dalxa ayaa tilaamay in Gobolada Shabeelooyinka ay yihiin iridda laga soo galo Magaalada Muqdisho isla markaana ay tahay in ayaga marka hore la xaqiijiyo amaankooda, wuxuuna Dowlada Soomaaliya ka dalbaday in arintaas ku dhaqaaqdo.

Halakaan ka dhageyso hadalka Xildhibaanka.