Uncategorized

Xildhibaan Dalxa”Waa nasiib daro in dowlada ay kala xakameyn weydo ciidamo ay xuquuqdooda bixiso”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya oo lahadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay dagaal shalay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhax maray xerada General Gordan ee Imaaraadka uu ku tababari jiray ciidamada dowlada.

Xildhibaanka  ayaa waxuu ku eedeeyay in ay masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku lug leeyiin isku dhacyadda Ciidamada milatariga ku dhex maray Xerada Jeneraal Gordan ee magaaladda Muqdisho oo dhawaan ay la wareegtay dowlada Soomaaliya.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo dowladdu ay dhawaan la wareegtay ciidamadii Imaaraadku uu tababaray sidoo kalana sheegay in Xuquqdooda ay bixineyso Ciidankii ay Kala xakameyn.

Shalay ayaa Ciidamo ka wada tirsan  milatariga Soomaaliya waxaa ay ku dagaalameen Xerada Jeneraal Gordan waxaana Taliyaha Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya uu sheegay in gacanta lagu dhigay Ciidan isku dayay in ay boob ka geystaan Xeradaasi.